Ciidmada Dawlada oo soo saaray Miino Alshabaab dhulka ay ku aaseen

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan   Alshabaab  ka  wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inaysoo saaraan  miinooyin ay Alshabaab  ku aaseen wadada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.

Saraakiisha Ciidanka Dawlada ayaa sheegay  in Alshabaab ay doonayeen ayaa doonayey in miinooyinkaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ayaa ka hortegay, iyagoo soo bandhigay miinooyinkii ay ka soo saareen wadada xiriirisa Mesagawaay iyo tuulada Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Maalmihii la soo dhaafay  degaanada Bariga gobolka Galgaduud waxaa ka socday Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab oo ay oska kaashanayeen Ciidamada Xooggda dalka iyo ku wa degaanka .