Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan ku qaaday degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada Ururka 5aad Guutada 16aad eeKumandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheeysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah waxaa ay uga fuliyeen degaannada kala ah, Qudus , Yaaq dabayl, Sariiraha ,Aboodinka, Barja Allah oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in degaannada howlgallada laga sameeyay ay Al-Shabaab ku lahaayeen Saldhigyo waaweyn oo dadka Shacabka ah ay ku dhibaateen jireen.

Taliyaha Ururka 5aad G 16aad  ee DANAB  Taliye Carab Dheeg Axmed ayaa u sheegay Warbaahinta in howgalka intii uu socday Ciidanka kumandooska DANAB ay gubeen gaari u lahaa C/raxmaan Gagaale oo ahaa ku Jabahada ee gobolka jubada hoose, isla markaana uu faro cididood uga baxsaday Ciidanka kumandooska DANAB.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin dalka.