Ciidanka booliska oo war kasoo saaray Carruur lagu gowracay Baydhabo

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Carruur lagu dilay Baydhabo in gacanta lagu soo dhigay, islamarkaana ay ku waddaan baaritaano.

Taliska Booliska waxaa uu sheegay Carrurtaasi yar yar la gowracay ayna socdaan baaritaano si caddaaladda loo marsiiyo kuwii ka dambeeyay falkaasi oo ah mid naxdin badan.

Waxaa uu taliska booliska uu tacsi u diray Ehelada Carruurtii loo geystay dilka, waxaana uu rajeyn samir.

Labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo kamid ahaan jiray Baarlamaankii Sagaalaad ayaa meydkooda waxaa saaka  laga helay duleedka Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Labada Carruurta ah oo lagu kala magacaabi jiray Samiira iyo Iimaan ayaa shalay loo diray Dugsi Qur’aan ay dhiganayeen, balse la waayay ilaa xalay, iyada oo saaka laga helay duleedka magalada Baydhabo meydkooda, iyaga oo kiliyaha iyo beerka lagala baxay.