Bulshada Rayidka ayaa walaac ka muujiyay xaalada adag ee uu galay shirka looga hadlayay doorashooyinka, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Federaalka ay baahisay natiijo xumo ku aadan shirkaas oo dadka Soomaaliyeed ay filayeen in is afgarad laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dalka.

War kasoo baxay Ururada bulshada rayidka ah ayaa sidaan u qornaa:
Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliyeed waxa ay walaac ka muujinaayan xaaladda adag ee uu shirku galey iyo edeemaha madaxda isku dhaafinayaan saxaafada.
Bulshada Rayidka waxa ay aad uga xun tahay in shirkii looga hadlayey doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ay dowladda federalka baahisey 7 April 2021 natijo xumo ku aadan shirka iyadoo dadka Soomaliyeed ay filayeen in is afgarad laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dalka. Bulshada Rayidka waxa ay ku adkeyneysaa madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in aysan shirka ku kala tegin lagana miro dhaliyo wadahadalada si loo xaqijiyo mas’uuliyada ka saaran madaxda sidii dalka doorashooyin uga dhici lahaayeen.
Bulshada Rayidka waxey ka soo horjeeda wax kasta 00 carqaladeenaayo in dalka doorashin ka dhacaan waxayna u soo jeedinayaan madaxda dalka in aysan ku dhaqaaqin talaabooyin ka hor imaanayo dastuurka ku meel gaarka ah waxna u dhimi kara geedi socodka dowladnimada Soomaliyeed.
Bulshada rayidka waxa ay ugu baaqeysa duubabka Soomaliyeed, odoyaasha dhaqanka, culumo u diinka, wax garadka iyo aqoonyahanada Soomaliyeed in ay u istaagan sidii hishiis dhab ah looga gaari lahaa in dalka doorashooyin ka dhacaan isla markaasna ugu soo horjeesan lahaayeen wax ale wixii caqabad ku ah sidi dalka doorashooyin ugu qabsoomi lahaayen.