Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta gacanta ku dhigay maandooriye aad u badan oo si qarsoodi ah la doonayay in lagu geliyo gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo howlgalka lagu soo qabtay lix haween ah oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shabakad ka ganacsata maandooriyaha.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidanka Asluubta, maandooriyaha la qabtay ayaa u badnaa kaniiniyo daroogo ah, kuwaas oo lagu qariyay raashinka loo geeyo maxaabiista xilliga booqashada ehellada.
Taliska ayaa sheegay in shabakaddan oo ka koobnayd maxaabiis, ehellada qaar ka mid ah maxaabiista iyo dad kale oo iska dhigaya inay qaraabo la yihiin maxaabiista, ay muddo laba bilood ah ku raad-joogeen hay’adaha amniga ee Ciidanka Asluubta.
Waaxda Dabagalka Dembiyada Ciidanka Asluubta, oo kaashanaysay Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo saraakiisha maamulka xabsiga, ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay gacanta ku dhigto lix haween ah oo lagu eedeeyay inay ku howlanaayeen sidii maandooriyahaasi loogu gudbin lahaa gudaha xabsiga.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in wax-ka-beddel lagu sameeyay habraaca booqashada maxaabiista uu suurageliyay in si wanaagsan loo xaqiijiyo xogta dadka booqashada imaanaya, gaar ahaan kuwa sheegta inay qaraabo la yihiin maxaabiista, balse aan xiriir dhab ah la lahayn.
Dhanka kale, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa eedeysanayaasha iyo caddeymaha la xiriira kiiska ku wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, sharcigana loo horgeeyo.
Taliska ayaa intaas ku daray in weli lagu raad-joogo shabakado kale oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin ka ganacsiga iyo si sharci-darro ah u gelinta maandooriyaha xabsiyada dalka.



