Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta magaalada Cadaado ugu soo xiray tababar ciidamo cusub oo ka mid noqon doona ciidanka Boliiska dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed iyo sidoo kale taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa si wadajir ee ciidanka saaka tababarka ugu xiray duleedka magaalada Cadaado.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa idaacadda Risaala u sheegay in ciidanka uu tababarka u soo xiray taliyaha Booliska ay garaayaan ku dhawaad 400 askari oo ka shaqeyn doona degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug.
Ciidanka ayaa muddo dhowr bilood ah tababaro kala duwan ku qaadanaayay xerada ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku taalla magaalada Cadaado.
Taliyaha ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka ammaanka Galmudug , waxaana uu kala hadli doona xaqiijinta amniga deegaanada maamulka Galmudug inta ay socdaan doorashooyinka.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gaaray horumar kala duwan oo la taaban karo bilihii lasoo dhaafay.


