Wararka Naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu wado in uu gaaro wafdi balaaran oo hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar.
Ujeedada wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka aya lagu sheegay in ay tahay ka qeyb galka dhaarinta Xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Cusub ee Hirshabeelle uu yeelanayo.
Wasaarada arimaha gudaha Soomaliya ayaa shalay ku guulaysatay in ay xareyso xildhibaanada cusub ee maamulka Hirshabeelle.
Dhismaha maamulka ayaa maraaya meel wanaagsan waxaana lagu waddaa in 15 bishaan la doorto Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.


