Ciidamo la kala dhexdhigay Maleeshiyaadkii ku dagaallamay degaanka Garasle

Ciidanka Liyuu boolis ee dowlad degaanka Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii ku dagaallamay degaanka Garasle.

Ciidanka ayaa sidoo kale isbitaal u qaaday dhaawacyadda dadkii dagaalkii shalay waxyeelado kasoo gaartay.

Xubno ka tirsan Maamulka dowlad Degaanka Soomaalida oo gaaray degaanka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in kulamo dib u heshiisiin ah ay bilaabi doono si loo soo afjaro dagaalka.

Inta a xaqiijiyay hal Ruux ayaa la sheegay in uu ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya laba beelood oo shalay ka dhacay degaanka Garasle oo ka tirsan dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Xaalada degaanka degaanka Garasle oo ka tirsan dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa hada degan.