Wasiirka Amniga Galmudug Mohamed Abdi Aadan Gaboobe, Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, Xildhibaan Yoonis Maxamed Sharre, Gudoomiyaha Gudiga Taakulada iyo Dib u xoreynta Koonfurta Mudug Sheikh C/manaan Sheikh Maxamed Cismaan iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qeybahooda kala duwan ayaa Degaanka Qararoow ku booqday boqolaal ciidamo horleh oo ah kuwa deegaanka isla markaana loo diyaarinaayay inay ka qeybqaataan Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Ciidamadaan cusub ee Masuuliyiintu ku booqdeen degaanka Qararoow ayaa dhawaan ku biiraya Furamaha dagaalka Koonfurta Mudug, halkaas oo uu ka socdaan Howlgalka balaaran ee Al-Shabaab looga xoreynayo degaanada Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo wasiirka Amniga Galmudug oo la hadlay Ciidankaan ayaa bogaadiyay doorka dadka Qararoow ay ku lahaayeen Halganka Al-Shabaab looga hortaagga koofurta Mudug iyo dhiirgalinta ay samaynayso ciidamada cusub ee dagaalka ay kusoo biiriyeen, iygaoo guulo u rajeeyey inay soo hooyaan howlgalka ciidamadaan qeybta ay ka noqon doonan.



