Wararka naga soo gaaraya deegaanka weeydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qarax halkaasi lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM,isla markaana khasaaro uu ka dhashay qaraxaas.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaadiiid ay wateen ciidamada AMISOM,waxaana goobjoogayaal ay Idaacadda Risaala u sheegeen in ay ku dhaawacmeen 4 ka mid ah ciidamada AMISOM iyo Haweeney Goobta mareysay.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib waxa ay fureen rasaas farabadan taas oo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay,waxaa sidoo kale la sheegay in mudo daqiiqado ay Ciidamadu wadada xireen.
Wadada xiriirisa Magalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa inta badan qaraxa miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtaa gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,waxaana khasaaro kasoo gaartaa ciidamada iyo Dad Shacab ah.



