Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray degaano ka mida ah Galmudug

Wararka naga soo gaaraya degaanada maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika AMISOM ay gaareen Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ciidankaan ayaa u jeedkoodu yahay in ay si buuxda ula wareegaan Ammaanka garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, islamarkaana ay caawiyaan Ciidanka dowladda ee Dhuusamareeb la geeyay.

Ciidankaan ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Beledweyne waxaana ay ku hakadeen maanta Matabaan, halkaasoo ay ka baxeen galabta Xilli dambe.

Ciidanka AMISOM ee gaaray degaanada Galmudug ayaa isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa muuqata in ay si buuxda ula wareegtay guud ahaan degaanada ay gacanta ku haayeen Ahlusunna.