Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay amaanka Magaalada Baydhabo

Wararaka Idaacadda Risaaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa ku waramaya in amaanka Magaaladaasi ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah Howlgalka  Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhamaan wadooyinka muhiimka ah iyo xarumaha dowladda ee Baydhabo ku yaalla in ay la wareegeen Ciidamada Itoobiyaanka ah.

Waxaana lagau wadaa in maalinta beri ah Magaaladaaasi lagu qabto doorasahada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dhowr mar horaan u baaqatay.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay amaanka goobaha laga soo gallo Baydhabo, waxaana lagu arkayay Ciidamo Itoobiyaan ah, oo wata gadiidka dagaalka iyo Booliska Koonfur Galbeed oo garab siinaya Ciidamada Itoobiyaanka ah.