Sida ay qortay Wakaalada Islaamiga ee IINA News ciidamo cusub oo ka socda dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa qeyb noqon doona howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Jabuuti ayaa sheegay in ciidankan ay ka qeyn qaadan doonaan dadaalada nabada Soomaaliya.
Guutadaan cusub ee ka socota dowladda Jabuuti ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay badelaan Guutada 2 aad ee Hiilaal Walaal ee ku sugan Magaalada Baledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Guutadaaan cusub ayaa lagu magacaabaa Hiil 4 Waxaana la sheegaya in muddo ay qaadanaayeen Tababaro kala duwan oo ku aadan suggitaanka ammaanka.
Dowladda jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u taageera dowladda Soomaaliya ,islamarkaana waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo aad u badan oo qeyb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidanka dowladda Jabuuti ayaa inta badan waxa ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sheegeen in ay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah si ay u sugaan ammaanka Soomaaliya.


