Ciidamada taageersan Laftagareen oo digniin Ka soo saaray goobaha Doorashada ee Baydhabo

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee taageersan Madaxweynaha Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa digniin adag loogu diray shacabka ku nool deegaannada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Taliska ayaa shacabka uga digay inay ka fogaadaan goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada qof iyo codka ah ee 10-ka May, iyo sidoo kale fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka, iyagoo sheegay in goobahaasi ay noqon karaan bartilmaameedyo amni oo khatar gelin kara shacabka.

“Waxaa lagu wargelinayaa shacabka inay si buuxda uga fogaadaan goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada iyo sidoo kale goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada, maadaama goobahaasi ay yihiin bartilmaameedyada ciidamada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay taliska.

Sidoo kale, taliska ayaa shacabka uga digay isu-socodka iyo joogitaanka goobahaasi ilaa amar dambe kasoo baxa hay’adaha ammaanka, iyagoo sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta nabadgelyada iyo badqabka bulshada.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalinta Axadda ah la qorsheynayo inay deegaannada Koonfur Galbeed ka bilaabmaan doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada maamulkaasi, kuwaas oo si weyn u hadal hayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda dhexe.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya walaaca laga qabo xaaladda amni iyo xiisadda siyaasadeed ee hareysay doorashooyinka ka dhacaya Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamulkaasi.