Ciidamada Puntland oo xir xiray dad soo dhaweyn lahaa Wasiirka qorsheynta

Ciidamada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ay Maanta xir xireen dad doonayay inay soo dhaweeyaan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo halkaasi gaaray.

Ciidamada ayaa markii hore waxaa ay dadka ku celiyeen banaanka Garoonka, waxaana dadka la xiray ay ahaayeen kuwo doonayay inay garoonka soo galaan.

Muuqaalo la soo dbigay Baraha Bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Puntland oo qoor qabanaya qaar kamid ah dadka soo dhaweynta ka qeyb geli lahaa , iyaga oo saarayay Gaadiidka nooca dagaalka ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo ay galbinayeen Gaadiid dagaal iyo dadweyne kale soo dhaweeyn loogu sameeyay Magaalada dhahar ee Gobolka Sanaag.