Wararka laga helayo G/Bari ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo Togga Miraale, kaasi oo u dhexeeya ciidamada difaaca Puntland iyo kooxda Daacish oo ilaa shalay kaabiga isku hayey halkaasi.
Waxaa Go’an khadka isgaarsiinta ee goobaha lagu dagaalamayo taas oo adkaynaysa in la helo xoga rasmiga ah
Waxaa sidoo kale goobaha lagu dagaalamyo ka dhacay duqaymo xoogan oo ay fuliyeen diyaaradaha duqaymaha ka caawiya hawlgalka.
War kooban oo ka soo baxay Taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Daacish..
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay inuu gabogabo ku dhow yahay howlgalka wejigiisa seddexaad ee Daacish.
“Allaahu Akbar, Ciidanka oo maanta hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey Argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii. Dhameystirka Wejiga 3-aad ee Hawlgalka #Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka