Hiiraan-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ku dhexmaray gelinkii dambe ee maanta degaanka Ceel-gaal oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Itoobiya oo qaab Hujuun ah ku socday, kuna sii jeeday Magaalada Beledweyne ay wadada u galeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, kadibna halkaasi uu ku dhexmaray Dagaal qaraar.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo ururka Al-shabaab.
Xaalada degaanka ay ku dagaalameen labadan dhinac ayaa caawa waxa uu yahay mid degan, waxaana jira abaabul ay wadaan Ciidamada Itoobiya oo ka dhan ah ururka Al-shabaab, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino dagaalkan inooma ay suuragelin inaan qadka telefoonka ku haleelno.


