Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi Ciidamada Dowladda iyo ciidan Cadaan ah ay Weerar ku qaadeen.
Ciidankaan ayaa saaka aroortii weerar qorsheysan ku qaaday degaankan oo gacanta ay ku hayaan Al Shabaab, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in halkaasi Al-Shabaab ay iskaga baxeen Ciidamada dowladda ay la wareegeen.
Ciidamada Huwanta ayaa lagu soo waramaya in ay galeen Gudaha degaanka Bariire oo ka mid ah degaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Lama ogga ilaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Saakay ka dhacay degaanka Bariire.
Majiro wax ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka degaanka Bariire.
Dadka degaanka ayaa bilaabeen in ay halkaasi ay ka barakacaan,Maadaama ay ka cabsi qabaan in dagaallada ay saameeyaan.
Ciidamada Dowladda ayaa dhawr mar deegaankan ku weeraray Shabaab, inkastoo ciidanka dhawr mar dib ay uga soo laabteen degaanka.
Hawlgalkan qorsheysan ee saaka ciidamada ay ku qaadeen Degaanka Bariire, ayaa qayb ka ah hawlgalo sida la sheegay dhawaan gobolka ka bilaaban doona.


