Ciidamada Xoogga Dalka Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa howlgal balaaran saakay ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo mararka qaarkood ay tegi jireen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen degaannada Deegaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo la sheegay inay la wareegeen degaanadaas.
Taliye xigeenka Guutada 15-aad G/le. Xirsi Cali Quuri ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen labada degaan, isla markaana amaankooda ay siwyen u xaqiijiyeen.
Waxaa uu sheegay in degaannada Sinadhaqo iyo labi-dulle ay mararka qaar tegi jireen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana uu sheegay inay baaritaano ka sameeyeen Xaafadaha iyo goobihii fariisimaha u ahaa Al-Shabaab.
Degaano ku yaal duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab oo weeraro hoobiyeyaal ah ku qaada Magaalada Dhuusamareeb.



