Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo xoogan ka sameeyeen wadooyinka xiriiriya gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay howlgalka Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo la wareegay degaannadii ay howlgalka ka fuliyeen.

Inta uu socday howlgalka ciidanka ayaa burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana mararka qaar ay lacago uga qaadi jireen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka uu ahaa sugida amniga waddooyinka xiriira Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaas oo mararka qaar ay dadka ku dhibaateeyaan Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Goobihii howlgallada laga sameeyay ayaa ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, iyada oo weli ay gacanta ku hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.