Ciidamada Dowladda oo dagaal kula wareegay deegaan ka tirsan Jubabda Hoose

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay bilaabeen howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay ka wadaan deegaanka Bangaani oo hoostaga degmada Jamaame,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka titsan ciidamada DANAB ayaa Warbaahinta dowladda waxaa ay u sheegeen in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Bangaani,kaas oo dhexmarey Al-Shabaab & Ciidamada,isla markaana ay Ciidamada la wareegeen deegaankaas.

Khasaaro kala duwan oo labada dhainac ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalka,waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegayaan inay weli maqlayaan rasaas xoogan oo ka dhaceysa deegaanka Bangaani iyo tuulooyin kale oo hoostaga degmada Jamaame.