Marxuumka ayaa salaadda Janaazada lagula dukaday isbitaalka Digfeer, waxaana ka qayb-galay Janaazada guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo beeshiisa ka soo jeedo.
Qaar kamid ah ehellada oo ka hadlay aaska marxuumka ayaa sheegay in maydkiisa la gayn doono Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, laguna aasi doono halkaasi.
Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.



