Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab waxay ka fuliyeen Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug

Howlgalkaan ayay Ciidamadu waxay ka sameeyeen Deegaanada Qeycad ,Jiic dheere, Laas-gacameey iyo ilbalac, degaanadaas ayaa qaarkood horay looga saaray Al-Shabaab

Ciidamada ayaa la kulmay Shacabka ku nool Deegaanka Laas-gacameey waxayna ka xog dhagaysteen Baahiyada Deegaanka

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay xoojin doonaan Howlgallada Amniga lagu sugayo loogana hortagayo Al-Shabaab oo mararka qaar yimaada deegaanada howlgalka laga sameeyay.