Chelsea oo xiddig kale uu dhaawac kasoo gaaray kulankii AS Roma!

Daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Chelsea David Luiz ayaa dhaawac kubka ah uu kasoo gaaray kulankii AS Roma. Sidoo kale xiddiga qadka dhexe ee reer France Tiemoue Bakayoko ayaa isna ciyaarta dhammeystay isagoo xanuun ka dareemaya gumaarka.

Luiz ayaa la bedelay daqiiqadii 57aad ee kulankii ay Chelsea barbardhaca 3-3 ah la gashay kooxda Roma ee ka tirsanaa koobka UEFA Champions League, isagoo ka dhaawacmay kubka, waxaana xusid mudan inuu qolka lebiska u raacay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee kooxda Chelsea.

Tababare Antonio Conte ayaa sidoo kale arkay mid ka mid ah xiddigihiisa qadka dhexe ugu muhiimsan oo dhaawac uu kasoo gaaray kulankii ay wajaheen Roma, waana Tiemoue Bakayoko oo dhaawac gumaarka ah ku dhammeystay kulankaan.

Tani waxay ka dhigan tahay inay Chelsea godkeeda biyo ugu soo galeen sababtoo ah waxaa hore uga dhaawacnaa mashiinkooda qadka dhexe N’Golo Kante.