Chelsea ayaa diyaar u ah inay 125 milyan ginni ku soo gacangeliso seddexda xiddig ee diirada u saaran xagaagan, sida ay qortay jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska.
Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa doonaya inuu soo gabagabeeyo heshiisyada uu ku soo xerogelinayo Tiemoue Bakayoko, Antonio Rudiger iyo Alex Sandro ka hor xilli ciyaareedka ay ku difaacanayaan Premier League.
Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay ku dhow dahay inay 35 milyan ginni ku soo xerogeliso xiddiga khadka dhexe ee Monaco Bakayoko.
Waxaana soo raaci doona daafaca Jarmalka Rudiger kaasoo la filayo inuu heshiis 30 milyan ginni ah uga soo tago kooxda Talyaaniga ee AS Roma.
Conte ayaa dhameystiri doona seddexleyda saxiixyadiisa marka uu 60 milyan ginni kula soo wareego daafaca garabka ka ciyaara ee Juventus Alex Sandro bilowga isbuuca danbe sida ay sheegtay jariirada Telegraph.
Waxaa jirta niyadsami ay ka qabaan kooxda heysata horyalka Ingariiska inay Sandro keeni karaan kooxda xagaagan haddii qiimihiisa uu macquul yahay.
Haddii heshiiskiisa lagu najaxo waxa uu Sandro noqon doonaa xiddiga ugu qaalisanaa taariikhda Chelsea isagoo dhaafi doona lacagtii 50ka milyan ginni ee ay Chelsea uga soo iibsatay Fernando Torres kooxda Liverpool sannadii 2011.
26 jirkan daafaca bidix ayaa seddex sannadood ay uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan ee Juventus, waxaana ay Bianconeri diyaar u tahay inay ka saxiixdo qandaraas cusub si ay meesha uga saaraan xiisaha Chelsea.



