Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso inay iska dirto ilaa afar ciyaaryahan si ay lacag ugu hesho saxiixa Declan Rice oo u ciyaara West Ham United.
Blues ayaa la fahamsan yahay inay dareenkeeda u weecisay saxiixa Rice ka dib markii ay heshiis la gaareen Edouard Mendy, kaasoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah loo xaqiijiyo inuu yahay ciyaaryahan Chelsea ah.
Si kastaba ha ahaatee, West Ham ayaa loo maleynayaa inay dalbaneyso € 80m haddii u baxayo 21 jirkaan heerka caalami ee reer England – waana qiimo aysan Chelsea dooneynin inay bixiso.
Daily Star ayaa warinaysa in Frank Lampard uu calaamadeeyay afar ciyaartoy oo uu iibin karo si uu dhaqaale ugu helo, isagoo horeba u qarash gareeyay in ka badan 200 milyan oo gini suuqii kala iibsiga ee haatan.
Liiska ciyaartooyda la iibinayo waxaa ugu sareysa Jorginho, kaasoo ka dhacay boos joogto ah ee Lampard xilli ciyaareedkii hore, waxaana lala xiriirinayay Juventus ka hor inta aan la ceyrin Maurizio Sarri.
Tiemoue Bakayoko iyo Danny Drinkwater ayaa sidoo kale loo arkaa inay yihiin kuwo dheeri ku ah shuruudaha Stamford Bridge ka dib markii lagu daray Kai Havertz qadka dhexe oo markii horeba tartan uu ka jiray.
Xiddiga ugu dambeya ee la soo sheegayo in la iibinayo waa Andreas Christensen, kaasoo hoos ugu dhacay ka dib imaatinka Thiago Silva.
Chelsea ayaa ahayd koox ku qarash gareeysay xagaagan suuqa lacag badan iyagoo keenay Hakim Ziyech, Timo Werner, Ben Chilwell, Xavier Mbuyamba iyo Malang Sarr marka lagu daro Havertz iyo Silva.



