Neymar ayaa ka mid ahaa shan ciyaartooy oo casaan la siiyay iyadoo khilaaf weyn uu hareeyay kulan Paris Saint-Germain guuldarro 1-0 ka soo gaartay Marseille.
Layvin Kurzawa iyo Leandro Paredes ayaa sidoo kale kaarka cas loo taagay kooxda PSG halka Jordan Amavi iyo Dario Benedetto la siiyay dhanka kooda Marseille.
Neymar ayaa casaan loo taagay markii uu canaantay Alvaro Gonzalez.
Markii uu ciyaaryahanka reer Brazil ka baxayay garoonka Parc des Princes ayaa la arkay isaga oo u sheegaya sarkaalka afraad in lagula kacay cunsuriyad.
Tababaraha Marseille Andre Villas-Boas wuu awoodi waayey inuu xaqiijiyo sheegashada Neymar laakiin wuxuu saxaafada u sheegay: “Cunsuriyada kubbada cagta wax aan la aqbali karin.”
Benedetto iyo Paredes waxay bilaabeen loollanka iyo dagaal iyadoo xiddigo labada dhinac ah ay si dhaqso ah isugu soo baxeen dagaalka, iyadoo dharbaaxo ay isweydarsadeen Kurzawa iyo Amavi.
PSG ayaa la ciyaarta inta ka hartay ciyaartay iyadoo sideed nin halka Marseille sagaal ahaayeen.
Ciyaarta ka dib xiddigga Marseille Florian Thuavin, oo dhaliyay goolka kaliya, ayaa yiri dhamaanteen waa inaan tusaale u noqon karnaa ciyaarta wanaagsan.
Dhanka kale, Agaasimaha Sportiga PSG Leonardo ayaa canbaareeyay garsooraha ciyaarta Jerome Brisard, isagoo yiri: “Ma fahmin sababta kulankaan oo kale aan loo hein Turpin ama Bouquet.
Garsoorahaani wax khibrad ah malahan, hal kulan oo Europa League ah ayuu hore u dhaxdhaaxdiyay. ”