Wararkii ugu dambeeyay Banaabax ka dhan ahaa Madaxweyne Qoor Qoor oo baaqday

Wararka naga gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in uu baaqday Banaanbax ay abaabulaayeen Ahlusunna oo looga soo horjeeday Madaxweyne Qoor Qoor.

Ciidanka ammaanka ayaa inta badan xiray Wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana laga cabsi qabay in Banaanbaxyo waa weyn ay dhiggaan taageerayaasha Ahlusunna sidda weyn ugu xooggan Magaalada.

Saakay xilli hore Ciidanka Ammaanka ayaa lagu soo wargaliyay in ay socdaan abaabul Banaanbax ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  oo ahlusunna u dooratey Madaxweyne Galmudug ayaa kulan laqaatay qaar ka mid ah odoyaasha Guriceel iyo Dhuusamareeb iyagoo iska xog wareystay Banaabaxa sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidanka Booliska Magaalada ayaa heegan la galiyay, waxaana sidoo kale xiran qaar ka mid ah Goobaha ganacsiga ee ka agdhow xarunta Madaxtooyadda Galmudug.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net