Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Xukuumadda way kala hadleysaa”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay baalmartay dastuurka, islamarkaana aysan ogoleyn in lala xisaabtamo.

Waxaa uu sheegay in golihii baarlamaanka ee la xisaabtami lahaa xukuumadda ay ka dhigtay kuwa aan shaqeyn oo hoos yimaada Xukuumadii ay la xisaabtami lahaayeen.

“Madaxweynaha haduu jabiyo qodob dastuuri ah oo Khiyaano Qaran waa in la ogaadaa, baarlamaanka ayaa laga rabaa in ay la xisaabtamaan”Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

” Baarlamaanka waxaa laga rabaa in ay la xisaabtamaan Xukuumaddaan kala hadleysaa oo marna duulista Hawadda ay leedahay manan xayirin Garoonka Kismaayo marnaba isla xukuumaddo leedahay Xayiraadii ayaan ka qaaday” ayuu yiri Mar kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yimid ka dib markii dhawaan Hay’adda duulista Hawadda ay sheegtay in uusan jirin amar lagu xayiray in diyaarado taggaan Garoonka Kismaayo, taas badalkeena Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya uu sheegay maalmo ka dib in ay qaadeen xayiraadii ay saareen Kismaayo.