C/raxmaan Cabdi Shakuur oo farriin ku saabsan doorashada u diray Beesha Caalamka

Xisbiga Wadajir  ayaa soo dhaweeyay natiijada wejiga labaad ee shirkii Madaxda  Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, kaas oo xalay lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa loogu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay in loo istaago ka mira dhalinta wejiga sedexaad ee shirka Dhuusmareeb ee dhacay 15-ka Bisha Agoosto.

Sidoo kale qoraalka Xisbiga Wadajir kasoo baxay ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada inay dedejiyaan Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinaya nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur  ayaa ugu baaqay Xubnaha Beesha Caalamka inay taageeraan hehsiiska Soomaalida, si loo xaqiijiyo doorasho xilligeeda si nabad ah u dhacda.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Wadajir.