Booliska Soomaaliya oo ilaalada xildhibaanada ka mamnuucay in ay hub la galaan Xeebta Liido ee Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriyaha oo lagu soo qabtay degmada Cabdicasiis, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in guri uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed lagu soo qabtay maan dooriye fara badan, waxaa uu sheegay in halis ku tahay bulshada Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa digniin u diray dadka iska leh guryaha, islamarkaana dadka ka kireeyo, kana warqabin waxyaabaha lagu sameynayo guryaha.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa uu mamnuucay in ilaalada xildhibaanada ay hub la galaan xeebaha Liido ee Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in keliya loo ogal yahay ciidamada ammaanka, sida Booliska iyo Nabad sugida ee shaqada ku leh xeebta.

Sido kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in maanta xeebta Liido la helay meydka qof shacab ah, wuxuuna waalidiinta ugu digay in caruurtooda ay xiliyadan oo kale u soo diraan xeebaha, maadaama badda ay kacsan tahay.

Ugu Dambeyntii Afhayeenka ayaa digniin u diray dadka ganacsatada ah ee dalka keena waxyaabaha maanka, wuxuuna sheegay in ay arrintaasi ka waantoobaan.