Booliska Somaaliya oo gacanta lagu dhigay dooni siday qaad iyo dadkii la socday

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaad si korobaan ah lagu soo galiyey dalka, kaasi oo lagu siday doon, islamarkaana lagu qabtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifarax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaadka lagu keenay doon iyo gaadiid, islamarkaana ay hayeen xogta ku saabsan in qaadkaasi.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in la qabtay sedex qof oo ka mid ahaa dadkii Doomaha waday iyo sidoo kale qaadka, isagoona sheegay in qaadka uu gaarayo 40 jawaan.

Waxaa uu digniin u diray ganacsatada ku howlan in ay qaad ay soo galiyaan magaalada Magaalada Muqdisho, isagoo sheegayin talaabo adag laga qaadi doono.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in ay keliya ogol yihiin qaadka si sharci ah lagu soo geliyo dalka, islamarkaana la soo marsiiyo wasaarada maaliyada Soomaaliya, isagoo xusay in sidaasi uu xalaal ku noqon karo.