War ka soo baxay Booliiska Morocco ee u qaabilsan la dagaallanka argagixisada ayaa shaaciyay inay fashiliyeen qorshe “lagu beegsan lahaa goobo ammaan,” ayaga oo xiray afar qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta Soomaaliya iyo Suuriya.
Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xog ku saabsan in ay jiraan dagaalameyaal badan oo u dhashay Morocco ay u safreen Soomaaliya, si ay ugu beeraan kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya.
Afarta eedeysane, oo dhammaantood u dhalatay Morocco, saddex ka mid ahna ay walaalo ahaayeen, ayaa laga qabtay, iyagoo u soo safra Soomaaliya.
Habboub Cherkaoui, oo ah madaxa Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sale, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka hortagay “qorshe argagixiso oo khatar ah.”
Raggan ayaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin horjoogayaasha ugu sareysa kooxda Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Soomaaliya.
Waxaaa la sheegay in raggan ay da’doodu ay u dhaxaysay 26 ilaa 35 sano, isla markaana ay haysteen “shaqooyin dakhligoodu yar yahay.”
Warkan ka soo baxay Booliska Moroco ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Puntland ay sheegtay dagaalkii Daacish iyo ciidamada Puntland ee gobolka Bari lagu dilay dagaalameyaal badan oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalal Carbeed oo ay ku jiraan Moroco.
“Intooda badan waxa ay doonayeen in ay ballaariyaan hawlgallada kooxahooda gudaha boqortooyada,” ayuu raaciyay Cherkaoui, isaga oo ka hadlayey Moroccan-ka u safray Soomaaliya.
Radio Risaala broadcast online 24 hours a day, seven days a week. Radio Risaala brings you the friendly voices of the community. As a community station, We also have religious programs, sport, local news and interviews etc.



