James Swan oo bilaabay inuu kulama ku saabsan doorashada qof iyo cod la qaato mucaaradka, siyaasiyiinta iyo guddiga doorashada.

Beesha Caalamka ayaa wadda kulamo ay la yeelaneyso Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, masuuliiyiin xilal horay u soo qabtay iyo guddiga doorashooyinka iyada oo ka xog wareysaneysa Jawiga siyaasada iyo Sida ay dalka uga dhici karto Doorasho qof iyo cod ah.

Ra’isal wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw shaaciyey in ay kulmeen sii hayaha xoghayaha QM ee soomaaliya James Swan.

Qoraal uu Rooble ku qoray Mareegta Facebook ayuu ku sheegay xoghayaha ay kawada hadleen Xaalada siyaasadeed ee dalka oo ah mid aan sal fadhiya laheyn.

Si gaar ah waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in ay is dul taageen Arinta doorashooyinka Qof iyo cod oo dowladu ku adkeysaneyso qabashadeeda.

Iyaga oo diirada saaray sida loo heli karo doorasho xor iyo xalaal oo loo wada dhan yahay sida uu hadalka u dhigay Maxamed Xuseen Rooble.

Maalin ka hor sii hayaha Xoghayaha QM ee Soomaaiya James Swan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah mucaarad aan gambanin iyo Gudoomiyaha guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka Qof iyo cod Cabdikariim, wuxuuna labadoodaba kala hadlay siyaasada dalka iyo Qabsoomida Doorasho dadka ay dooranayaan Masuulka ay u arkaan in danahooda uu ka shaqeynayo.

Kulamada beesha caalamka ay la yeelaneyso Saamileyda Siyaasada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli in ka yar sanad iyo bar ay u hartay Dowladda madaxweyne Xasan sheekh.

Xiliyadaan oo kale Marka ay meel xasaasi ah mareyso Siyaasada Soomaaliya Beesha Caalamka ayaa bilawda kulamo xog iyo Ra’yi aruurin ah iyada oo Marka Xaalada Xumaato Soo saara Go’aano Qaraar oo dalka jiho u yeela.