Talyaaniga-RisaalaFM- Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa lagu xiray nin Soomaali ah oo looga shakisan yahay in uu qayb ka yahay Shabakadaha wax tahriibiya.
Xeer ilaaliyaasha Magaalada Waqooyiga Talyaaniga ku taala ee Brescia ayaa codsaday in la xiro ninkan, isagoo loo heysto in uu warqado been abuur ah u sameeyey tahriibayaal.
Dadka uu ninkaas warqadaha u sameeyey waxaa kamid ah Laba qof oo u dhalatay wadanka Suuriya oo sanadkii hore loo xiray in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.
Tiro badan oo muhaajiriin ah ayaa safar dhinaca badda ah ku gala Talyaaniga bil kasta, waxaana dowladda dalkaas ay dhowr mar qabatay shakhsiyaad lagu eedeynayo in ay yihiin kuwa dadka tahriibiya.


