Yildirim ayaa sheegay in hawsha ugu muhiimsan ee Turkiga u taala ay tahay badalida dastuurka iyo in dalka lagu maamulo hanaanka uu madaxwaynuhu awooda leeyahay.
Rai’sal wasaarahan cusub ayay aad isugu dhawyihiin madaxwaynaha wuxuuna sheegay in uu si sharafleh ula shaqayn doono.
Rai’sal wasaarihii hore Ahmet Davutoglu iyo madaxwaynaha ayaa arrimo dhawr ah ku kala aragti duwanaa waxaana ka mid ahaa in la kordhiyo awoodda madaxwaynaha.
Arrintaas ayay dad badani u arkaan mid tallaabo lagaga fogaanayo dimuqraadiyadda.


