Biden oo ku horreeya gobol guusha madaxtinnimada siin kara

Musharrax Joe Biden ayaa ku hormaray codadka laga tiriyay gobolka Pennsylvania, isagoo in ka badan shan kun oo cod ku hogaaminaya Donald Trump.

Waa gobol muhiim u ah loolanka madaxtinnimada Maraykanka ee ay ku tartamayaan Biden iyo Trump.

Haddii uu Biden ku guulaysto Pennsylvania, waxaa uu ku guulaysan doonaa tartanka isagoo noqon doona madaxweynaha la doortay.

Gobolkaas ayaa leh 20 cod oo ah ergada doorashada, iyadoo inta la xaqiijiyay uu Biden heysto 253 codadkaas ah, uuna u baahan yahay 17 cod oo keliya.

Trump ayaa isla maanta lumiyay codadkii uu ku hogaaminayay gobolka kale ee muhiimka ah ee Georgia.

Natiijada rasmiga ah ayaan la hubin xilliga ay soo bixi doonto