Beesha Caalamka oo wada dadaalo la isugu keenayo Madaxda Soomaalida

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa au xilligan wadaan dadaalo ku aadan sidii la isgu keeni lahaa madaxda dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada si xal looga gaaro muranka weli kajira doorashada Soomaaliya.

Dhawaan waxaa xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho kulan ku yeeshay Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, balse Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ay shirka fashiliyeen.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer dadaalo ay sameeyeen waxaa ay sababtay inay kulan yeeshaan Madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada, in kastoo kulamadaas aan wax horumar ah laga gaarin.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in uusan fashilmin shirka Afisiyooni, isla markaana looga baahan yahay Madaxweynaha muddo xieedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu dib ugu soo laabto shirka.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa inay markale kulamo yeeshaan Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si ay uga heshiiyan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.