Kulanka weyn ee Semi Fiinaalaha Champion-ka kana socdo garoonka Allianz Arena ayaa 1-1 kusoo idlaaday qaybtii hore waxaana goolasha Bayern iyo Real u kala dhaliyeen Joshua Kimmich iyo Marcelo.
Bayern ayaa ka naxday in bilawgii cayaarta Arjen Robben dhaawac ku baxay waxaana lagu badalay Thiago Alcantra daqiiqadii 8-aad.
Balse Bayern waxba uma dhibin bandhigeedii wacnaa qaybta hore ee cayaarta ayadoo inta badan kubada heesatay waxaana hogaanka Joshua Kimmich daqiiqadii 28-aad asigoo kubad weerar celis ah uu dhexda ka dhiibay James Rodriguez gool u badalay.
wuxuu goolkii 100-aad ee tartanka champions league ay bayern munich dhaliso tan iyo inta maamulka uu hayo Jupp Heynckes.
Bayern dhibaatada dhaawaca ayaa kusii batay waxaana dhaawac ku baxay Jerome Boateng ayadoo lagu badalay Niklas Suele daqiiqadii 34-aad.
Real Madrid ayaa heshay goolkii ay u baahneyd waxaana daqiiqadii 44-aad cayaarta 1-1 ka dhigay Marcelo oo luga la helay kubad jooga sare ku socotay toosna u abaartay shabaqa Bayern.
Marcelo goolkiisa wuxuu ka dhignaa inuu dhaliyye goolkiisa saddexaad ee tartanka champions league xilli ciyaareydkan waana markiisa ugu badnaa ee uu hal xilli ciyaareyd dhaliyo labo gool iyo wax ka badan.
Bayern ayaa fursado dheeraad ah heleen daqiiqadihii ugu dambeeyay balse cayaarta 1-1 ayaa lagu kala nastay ayadoo Bayern gacan sareesay.
Assensio ayaa markii dib lisugu soo kaabtay hogaanka u dhiibay kooxda dooneysa in ay daafcato UCL ee Los Blancos ka dib gool uu caawinaadeeda uu lahaa Lucas.
xiddigan saddexdii kulan ee u dambeesay tartanka champions league badal ayuu kusoo galayey.



