Bayern Munich Oo dhameystirtay Qorshaha Ay dooneyso Romelu Lukaku

Bayern Munich ayaa isku diyaarineysa inay rikoor lacagta ee Bundesliga jabiso marka ay £ 65 milliion kula soo wareegto weeraryahanka Everton Romelu Lukaku, sida laga soo xigtay The Sun.

23-sano jirkaan oo ah ninka ugu goolasha sareeya Everton ayaa sidookale waxaa lala xiriirinayaa kooxda Manchester City.

Lukaku, ayaa aad u doonaya inuu ciyaaro Champions League, waxaa na uu ku guuldarerystay inuu u dhaqaaqo Chelsea xagaagi hore.

Tababaraha kooxda Bayern Carlo Ancelotti ayaa tijaabin doona xaalada weeraryahankaan lagu heli karo.