Barcelona Oo Uu Ka Bilowday Khilaaf Kale Oo La Xidhiidha Heshiiska Ansu Fati

Kooxda kubadda cagta Barcelona iyo wakiilka laacibka da’da yar ee Ansu Fati ee Jorge Mendes ayaa isku khilaafsan heshiiskii cusbaa ee ay kooxda  reer Spain ka saxeexday xiddigeeda da’da yar, kaas oo la isku maandhaafsan yahay sharcinimadiisa.

Barcelona ayaa shaacisay inay heshiis cusub oo soconaya illaa sannadka 2024 uu qalinka ku duugayo Ansu Fati, sidaana uu dhigayo qodob ku jiray qandaraaskii hore ay laacibkan yar ugu wada jireen, laakiin Jorge Mendes ayaa ku doodaya in kaliya uu qodobkaasi dhigayo in sannad kaliya oo ah 2022 uu heshiisku kordhi karayo.

Sida uu qoray wargeyska Diario Sport oo soo xiganaya barnaamijka ‘Tot Costa’ ee ka baxa idaacadda Catalunya Radio, Barcelona ayaa la aaminsan yahay inay si iskeed ah heshiiska Ansu Fati ugu kordhisay illaa 2024 iyadoo aan wada xaajood badan ka gelin, isla markaana ku andacoonaysa inuu heshiiskii hore siinayay awoodda noocaas ah, laakiin 17 jirkan ayuu wakiilkiisu meel adag iska taagay, waxaanu sheegay in heshiiska hadda uu dhacayo sannadka 2022 oo aanu jirin qodob kordhintiisa awood u siinaya kooxda.

Horraantii bishan ayay Barcelona sheegtay inay qandaraas cusub oo shan sannadood ah ka saxeexday Fati, kaas oo lagu daray qodob ka xayiraya laacibkan inuu u wareegi karayo naadi kale, haddii ay dhacdana ay miiska saaraan 400 milyan oo Euro oo lagu burburin karayo qandaraaskiisa.

Fati oo ahaa xiddigii labada gool dhaliyey ciyaartii koowaad ee Barcelona ay horyaalka ku furatay ee ay Axaddii 4-0 ku garaaceen Villarreal ayaa waxa uu xili ciyaareedkiidii hore dhaliyey siddeed gool 33 ciyaarood oo uu saftay.

Kaddib bixitaankii Luis Suarez ee toddobaadkii hore, waxa uu Fati noqonayaa ciyaartoyga u sharraxan buuxinta booskaas.