Barcelona Oo ku Ciyaari Doonta Kulan Saaxiibtinimo Dalka Qatar

Barcelona ayaa kula ciyaari doonta kulan saaxiibtinimo dalka Qatar kooxda Al-Alhi bisha December, lakiin kooxda ka dhisan Dubai, ayaa doortaya in ciyaartu dhacdo Dec. 13, waana inta u dhexeeysa kulanka Osasuna iyo El Sadar, waana ka hor kulanka derby-ga ah ee Espanyol ay ku qaabileyso Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee Barcelona ayaa weli xaqiijin waqtiga rasmiga ah ee ciyaartaas dhaceyso laakiin waxaa la baahiyay in ay booqan doonto Qatar kooxda reer Catalan.

kulankaan saaxiibtinimo ayaa ka qeyb ah heshiiska ay wada gaareen Qatar Airways iyo kooxda Barcelona, iyadoo Luis Enriqe hore kulamo saxiibtinimo halkaas kula soo ciyaartay Paris Saint Germain 2012.

Barcelona ayaa xiriir aad u fiican waxa ay la leedahay kooxaha ka dhisan qatar, iyadoo inta badan kulamo saxiibtinimo la ciyaarta.