Barcelona oo dejisay Qorshe ay dhaxda kaga Jabinayso Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku hawlan sidii ay iskugu samayn lahayd dibu-dhis iyo xoojin meelaha ay ka wiiqan tahay, waxaanay isha ku haysaa oo ay qorshaynaysaa inay dhawr saxeex samayso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga soo socda.

Ciyaartooyo tiro badan ayaa ay warbaahintu magacaabeen in Barcelona ay isha la raacayso, balse waxana dhinacooda la warinayaa inuu ka tegi doono Ousmane Dembele oo dabeecaddiisa kakan iyo qaab-ciyaareedkiisu qancin la’yihiin tababare Ernesto Valverde.

Sida uu qoray wargeyska luuqadda Spanish-ka kusoo baxa Don Balon ee xaruntiisu tahay dalka Spain, Barcelona ayaa ka fikiraysa dejinta qorshihii ay Real Madrid kaga hor qaadi lahayd xiddiga Chelsea ee Eden Hazard oo ah laacibka ugu weyn ee lala xidhiidhinayo Los Blancos.

Wargeysku wuxuu sheegay in maamulka Barcelona ay quus ka taagan yihiin Dembele, sidaas daraadeedna ay doonayaan beddelkiisa oo ay ka dhigayaan ciyaartoy la hubiyey tayadiisa iyo xirfaddiisa ciyaareed oo marka uu xidho funaanadda kooxdaba la dareemi karo saamayntiisa.

Warku wuxuu intaa ku daray in Barcelona ay dhuuxi doonto qiimaha ay Chelsea ku iibin karto oo haddii uu macquul noqdo ay markiiba u shubi doonto.

Qorshe labaad oo ay Chelsea ku qancin karayso ayaa Barcelona miiska u saaran haddii uu fashilmo midka hore, waana in Ousmane Dembele uu  qayb ka noqdo heshiiska oo uu u wareego dhinaca Chelsea, isla markaana lacag loo raaciyo si Hazard uu uga dego Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa la warinayaa inay dhegaysan doonto dalabyada laga soo gudbinayo Hazard bilaha soo socda, sababtoo ah, waxa soo dhawaanaya xilliga uu dhacayo qandaraaskiisa uu ku joogo kooxda reer London, waxaanu ka warwareegay inuu saxeexo heshiis cusub.