Barcelona kama hadli doonto madaxbanaanida ay ku dhawaaqeen gobolka Catalunya

Baarlamaanka gobolka Catalunya waxay ku dhawaaqeen inay Spain inteeda kale la go’een sidoo kalena dowlada madax banaan yihiin halka xukumada Spain ku dhawaaqday in Catalunya ciidooda weli ka mid tahay.

Arinta siyaasad ee Spain ka hursan waxay saameyn ku yeelan doontaa naadiga Barcelona oo ka dhisan gobolka Catalan sidoo kalena La Ligaha Spain cayaarto.

Balse madaxda Barcelona waxay qaateen go’aan ku aadan in arintaan kacsan aysan ka hadlin ama mowqif gaar ah inaysan ka qaadanin.

Barcelona waxay sabtiga ama habeen dambe la cayaareysaa naadiga Athletic Bilbao kulan ay safar yihiin waxaana laga cabsi qabaa in rabshad ay dhacdo ka hor kulankaan madaama Spanish careesan ay Barcelona u dhaarsan yihiin inay rabshad kala hortagaan.