Barakacayaal hor leh oo soo gaaray degaanka Garasbaaley

Muqdisho-RisaalaFM- Barakacayaal aad u fara badan oo u badan Haween iyo caruur ayaa ku nool kaamamka ku yaalla degaanada duleedka ka ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Degaanka Garasbaaley oo ka mid ah Degaanada inta badan dib u dejinta u sameeya Barakacayaasha ayaa hada malinba maalinka ka dambeysa waxaa soo gaara Barakacayaal hor leh oo ka yimid qaar ka tirsan gobolada dalka.

Dadka ku soo bakaracay duleedka Muqdisho ayaanan heysan Hooy, Biyo nadiif ah oo ay cabaan, caafimaad, iyo waxyaabo kale oo muhiim nolosha qofka bani’aadamka.

Qaar ka tirsan dadkan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in halkaasi ay ku heysato dhibaato daran, maadaama ay sheegeen Roobabkii ugu dambeeyay ee Da’ay in korkooda uu ku hooray, oo aysan heysan Baco iyo adeegyo kale oo Roobabka ay isaga difaacaan.

Dowladda Federaalka, Hay’adaha bixiya deeqaha, iyo shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqeen in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan, maadaama ay sheegeen hada in ay heysato xaalad adag.

“Anaga waxaan ka imaanay degaanada iyo tuulooyinka qaar ee dalka, qaarkeena waxaan wadanaa caruur yar yar oo inaga xanuunsan, ma heysano caafimaad, waxbarasho, biyo nadiif ah oo aan cabno, dadka qaarkood inta aan safarka ku soo jirnay ayay geeryoodeen, Dowladda iyo Hay’adaha xuquuqda aadanaha waxaan ka codsaneynaa gar gaar deg deg ah”. Ayay tiri Hooyo ka mid dadkii soo barakacay.

Ku simaha Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ahna Guddoomiye ku xigeenka degaankaasi Cali Xasan Cali oo la hadlay Risaala ayaa sheegay kumanaan Qaxooti ah oo xaalad adag ay heysato in ay ku nool yihiin degaanka, loona baahan yahay in ay helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Cali Xasan ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ugu baaqay in uu wax ka qabto xaalada adag ee dadka dhibaateysan ay ku heysato degaanka Garasbaaley.