Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa Munaasabad Qalin jebin ah loogu qabtay Arday dhameysatay kulyadaha kala duwan ee ay bixiso Jaamacadda Daarusalaam oo ka mid ah Jaamacadaha ugu tunka weyn dalka.
Munaasabadda Qalin jebinta aheyd ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka, Madaxda Jaamacadda, Waalidiin, masuuliyiin ka socotay Jaamacado ku yaalla dalka Dibadiisa oo xiriir la leh Daarusalaam, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf kale.
Ardayda maanta Munaasabadda Qalin jebinta ah loo qabtay ayaa tiradooda waxay kor u dhaafeysaa 400 oo Arday, kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxayna yihiin Dufcadii 1-aad ee ka baxda Jaamacadda.
Masuuliyiintii ka soo qeyb gashay Munaasabadda ayaa dhammaantood waxay qireen Jaamacadda Daarusalaam in Ardaydan ay ku bixisay dadaal dheer, waxayna Ardayda ugu baaqeen in halkiisa ay ka sii wadaan safarkooda waxbarasho.
Dr. Cismaan Maxamed Xasan, Guddoomiyaha sare Jaamacadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal u badnaa dar daaran uu u jeedinayay Ardayda maanta ka qalin jibisay Jaamacadda.
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa Ardayda dhankiisa hambalyo u diray dhalinyarada maanta xafladda qalin jibinta loogu qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbrashada Soomaaliya C/raxmaan C/laahi Jaabiri ayaa Ardayda u sheegay in maanta ay u bilaabatay Waxbarashada, wuxuuna tilmaamay Xukuumada in ay kago’an tahay hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Qaar ka tirsan Ardayda Qalin jebisay oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay u mahadceliyeen Macalimiintii iyo waalidiintii juhidga dheer ku soo bixisay, iyaga oo sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan waxbarashadooda ilaa heerka ugu dambeeya.








