Banaanbax ka socda Muqdisho

Banaanbax balaaran oo dhigayaan haweenka Soomaaliyeed ayaa ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana ay dalbanayaan in helaan xuquuqdooda siyaasada ee ay ku yeelanayaan dowladda cusub ee lagu wado in ay dalka ka dhalato dabayaaqada sanadkaan 2016.

Qaar ka mid ah ururada haweenka ayaa sheegay in Ujeedada banaanbaxa ay tahay  in haweenka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdii haweenka 30% oo ay ku yeelan doonaan dowladda cusub ee lagu wado in ay dalka ka dhalato.

Haweenka ka qeyb galaya banaan baxa ayaa muujinaya sida ay diyaarka ugu yihiin in ay helaan doorkooda oo ay qeyb ka noqdaan dowladda.

Haween badan oo la soo abaabulay ayaa ku dhawaaqaya erayo ku aadan helida qoondada haweenka ee dhanka Siyaasada, xilli Magaalada Muqdisho uu ka socdo Shirka looga hadlaayo Doorashada dalka.