Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda bannaan-bax weyn oo looga soo horjeedo Xadgudubka Itoobiya ee Badda Somaaliya iyo heshiiskii is Afgaradka ahaa eedhexmaray Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed .
Bannaan-baxaan ayaa waxaa ka qayb galaya shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda iyo sidoo kale shaqaalaha dowladda oo lagu amray in bannaan-baxa kasoo qeyb galaan.
Ciidamada Hay’adaha Amniga ayaa adkeeyay Amniga goobaha ay ka dhacayaan bannaan-baxa, waxa ayna ayaa ciidamada gabi ahaan Joojiyeen Isku socodka gaadiidka Nuucyadiisa kala duwan.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiiru dawlaha Wasaarada Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa horkacaya dadka dibad baxaya dhigaya iyadoo Odyaal waxgarad iyo Dadweyne aad u tiro badan ay banaan baxa ka qayb galayaan.



