Axmed Madoobe oo balanqaad u sameeyay Shacabka Dhoobleey

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa  la kulmay shacabka ku nool degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbadda Hoose.

Madaxweynaha ayaa shacabka kala hadlay muhiimada dowlad wanaaga, dib u qabsashada deeganada Al-Shabaab ay heestaan ee ka tirsan Jubbooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shacabka sidoo kale u sheegay in dhawaan uu soo magacaabi doono golaha wasiiradda xukuumadiisa.

Madaxweynaha waxaa kaloo dadka reer Dhoobleey u sheegay in maamulo loo dhisaayo degmooyinka gobalka Jubbadda Hoose.