Askari Mareykan ah oo lagu dilay Soomaaliya

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in askari American ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo xalay ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo 40-KM galbeed ka xiga Muqdisho.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fulinayeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan kas oo baxay AFRICOM.

“Al-Shabaab oo ku xiran Al-Qaacida waxay dishay dad Mareykan ah, waxay xagjir ka dhigtay oo ay dagaalyahano ka qoratay gudaha Mareykanka, waxayna isku dayday inay fuliso ama dhiiri-geliso weeraro ka dhan ah Mareykanka iyo xulafadeena dunida”.

Taliska Mareykanka ee Africa waxa uu sheegay inuu sii wadi doono taageerada la siiyo Soomaaliya iyo saaxiibada Gobolka, si loo burburiyo Al-Shabaab, islamarkaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaalo Gobolka.